Ciidanka AMISOM oo dad Shacab ah ku dilay Sh/dhexe.

Ciidamada AMISOM ayaa Labo Ruux oo beeralay ah ku dishay, labo kalena ku dhaawacay degaanka Buurane oo ka tirsan degmada Mahaday ee Gobalka Shabellaha Dhexe.

Ciidamo AMISOM ah ayaa howlgal miino baaris ah waxa ay ka wadeen wadada laamiga ah ee deegaanka Buurane dhex marta.

“Hal miino ayay qarxiyeen balse miino kale ayaa ku qaraxday mid ka mid ah gaadiidka ciidamada AMISOM,waxayna ciidamadu gudaha u galeen guryo ay degenaayeen dad beeralay ah waxayna dileen labo ruux oo beeralay ah sidoo kalana waxa ay dhaawaceen labo kale,”ayuu yiri mid kamid ah dadka degen deegaanka Buurane.

Lama oga qasaaraha ka soo gaaray ciidamada AMISOM qaraxa lala eegtay.

Wararka waxa kale oo ay sheegayaan in ciidamada AMISOM ay diideen in dadka dhaawaca ah loo qaado isbitaal si loo daweeyo.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan deegaanka Buurane ayaa hore miinooyin dhulka lagu aasay ay kula qaraxday gaadiidka ay isticmaalaan.