Guddiga doorashooyinka Galmudug ee Ahlu-sunna oo Guddoomiye doortay+Sawirro

Guddiga Doorashooyinka iyo Xalinta khilaafaadka Galmudug ee uu magacaabay Madaxa Xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir ayaa doortay Guddoomiye, Guddoomiye kuxigeen iyo Xoghaye, waxaana loo doortay Guddoomiywha Yaasiin Sheikh Muxumed, Kuxigeen waxaa loo doortay Maxamed Yaxye Faarax, halka Xoghayaha Guddiga loo doortay Muxiyaddiin Suni.

Guddigan uu magacaabay Sheekh Shaakir ayaa maanta waxaa ansixiyay Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug Qeybta Ahlusuna ku leedahay, waxaana Madaxa Xukuumadda Sheekh Shaakir oo ka hadlay kulanka uu sheegay in Dastuurka Galmudug uu xaq u siinayo inay magacaabaan Guddiga Farsamada Doorashooyinka Galmudug.

Maalintii shalay ayay aheyd markii Guddiga Farsamada ee ay magacawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay iyana Guddoomiye iyo Guddoomiye kuxigeen iska dhex doorteen.

Dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed iyo mida ciidan ee ka jirta Dhuusamareeb iyo kulamada labada dhinac ay yeelanayaan ayaa loo arkaa Minddi Minddi ku taag, waxaana laga cabsi qabaa in xaaladahan ka socda magaalada inay abuuraan dagaal labada dhinac ka dhex qarxa.