Madaxweyne Deni oo lagu soo dhaweeyay Qardho+Sawirro

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa gaaray Magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Maamulka Gobolka Karkaar iyo kan Degmada Qardho ayaa Madaxweyne Deni kusoo dhaweeyay Magaalada Qardho ee Xaruunta Gobolka Karkaar.

Madaxweyne Deni ayaa u mahad-celiyay Isimada, Maamulka iyo Shacabka Qardho, sida ay ugu soo dhaweeyeen Magaalada, isagoona kula dar-daarmay inay is barbar taagaan Dowladda.

“Qardho waa lagu yaqaanaa xamaasada, soo dhawaynta iyo is barbartaaga dawladnimada, hadaysan dawladu shacabkeeda garab ka helin way adkaanaysaa ula jeedooyinkii loo doortay inay gudato” ayuu yiri Madaxweyne Deni

Ujeedada Safarka Madaxweyne Deni ayaa lagu sheegay inuu salka ku hayo ka qayb-galida Munaasibad loo qabanayo Cutubyo katirsan Ciidanka Daraawiish-ta Dowladda Puntland oo tababar ugu soo dhamaaday Xerada Xorgoble ee duleedka Magaalada Qardho.

Sidoo kale, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho Isimada, Nabaddoonada, Waxgaradka, Maamulka iyo Qeybaha kala duwan ee Shacabka Magaalada Qardho.