Puntland oo digniin culus soo saartay+Akhriso

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyaynta Dowladda Puntland ayaa soo saartay digniin la xiriirta duufaano iyo roobab is wata oo oo la sheegay inay maalmaha soo socda kusoo wajahan yihiin deegaannada Puntland.

Wasaaradda ayaa qoraalo ugu dirtay dadka taleefoonadooda gacanta sigaar ah dadka degan xeebaha iyo meelaha togaga ah, iyada oo ugu baaqday inay ka fogaadaana ama ka baxaan meelahaas si aysan waxyeelo ugu geysan Roobabka iyo duufaanta.

“Wasaaradda Arrimaha gudaha waxaa ay ku wargilineysaa dadka degan Xeebaha Puntland, gaar ahaan gobolada Bari sida,Sanaag,Heylaan, Gardafuu iyo Karkaar in dabeylo xoogan oo roob wata ay inagu soo fool leeyihiin sida ay sheegeen qolayaha saadaasha hawada, hadaba taxaddar badan hala qaato” ayaa lagu yiri farriimaha dadka loo diray.

Ugu dambeyntii, Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland ayaa sheegtay in Kooxaha Saadaashada hawada ay Arrintaan shaaciyeen oo ah  inay jiraan duufaano roobab dableyo wata kusoo wajahan yihiin gobolada Bari ee Puntland,isla markaana dadka looga baahan yahay inay digniintaas qaataan.