Sidee Madaxweyne Deni loogu soo dhaweeyay Qardho ?+VIDEO

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta siweyn loogu soo dhoweeyay magaaladda Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar.

Maamulka Gobolka Karkaar iyo kan deqmada Qardho iyo masuuliyiinta kale ee Gobolka ayaa Madaxweynaha iyo Wafdigiisa kusoo dhoweeyay banaanka hore ee magaaladda, halkaasi oo ay isugu tageen boqolaal dadweyne ah oo Madaxweynaha soo dhoweeyay.

Soo dhoweynta waxaa ka qeybgalay Hogaanka Dhaqanka , Culimada, Aqoonyahanada, Haweenka, Ardeyda iyo Guud ahaan Barbaarta Gobolka Karkaar oo siweyn uga dhexmuuqday soo dhoweynta iyagoo ku dhawaaqayey Ereyo soo dhoweyn ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii uu magaaladda soo galay wuxuu la hadlay boqolaal dadweyne ah oo soo dhoweeyay, Wuxuu Madaxweyne Deni uga mahadceliyey Dadweynaha Qardho sida ay usoo dhoweeyeen, Sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu ku baraarujiyey dadka ka shaqeynta qorsheyaasha dhinaca horumarinta ee socda.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa ka kooban Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Dowladda Puntland, la taliyeyaal uu ka midyahay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire, Taliyeyaal Ciidan oo uu hogaaminayo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere iyo Saraakiil Madaxtooyo.