Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo isugu yeeray Hay’adaha Samafalka+Sawirro

Shirkaani oo uu Daahfurey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Waxaa uu ahaa mid looga hadlayey sidii Hay’addaha Samafalka Gargaar Deg deg ah ay u gaarsiin lahayeen Degmada Berdaale Ee Gobolka Baay oo haatan ka jirta Fatahaadka Biyaha

Shirka oo ay ka Qeybgaleen Guddiga Gurmadka Fatahaadyada Koonfur Galbeed iyo Hay’addaaha Samafalka ee ka Shaqeeya deeganada Koonfur Galbeed ayaa inta uu socday waxaa uu ahaa mid looga hadlayey sidii Shacabka kunool Degmada Berdaale ay u heli lahayeen Gargaar  Dhamaystiran.

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Arimaha Gargaarka iyo Mareynta Masiiboyinka DGKGS C/qaadir Shekh Ali Baraka ayaa ugu horeyn waxaa uu ka warbixiyey Xaalada Degmada Berdaale iyo Sameynta Fataahadaha biyaha ay ku yeesheen Shacabka Ku nool Degmada Berdaale.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa Bogaadiyey Hay’addaha Samafalka inay Gargaar Deg deg ah ay garsiiyaan Dadka sameeeyeen fatahaadaha  ee ku nool Degmada Berdaale iyo Guud ahaan Gobolada Koonfur Galbeed,waxaana uu uga Mahad celiyey sida ay uga soo Qeybgaleen Shirka.