Xasan Sheekh “Dowladdu Malaayiin Dollar Taalooyin bey ku dhisi kartaa,laakiin dadka Reer Baladweyne..”+VIDEO

Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxda Dowladda Federaalka ku eedeeyey inay ka gaabiyeen u gurmashada dadka ay saameeyeen fatahaadaha gaar ahaan Magaalada Baladweyne.

Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay Shir looga dhawaaqay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegay in Dowladdu ay awooday lacago farabadan oo Taalooyin lagu dhisay laakiin aysan awoodin in wax loo qabto dadka Reer Baladweyne aysan aheyn wax is qabanaayo.

“Dowladdu mallaayiin Dollar oo aan bajadka ku jirin taalooyin ku dhisi kartaa waa soo heli karta,dadka Reer Baladweyne ee Biyaha dhex-jiifa qaarkood ku dhamaadeen dowladda lacag uma heli karto ee qaaraan hala keeno in leys qabadsiiyo ayaa loo baahan yahay” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyntii, Madaxweynihii Hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda ay dowlad ku tahay inay ku baraarug sanaato kana jawaabto dhibaatada dalka inta ay kari karto, hayeeshee uu sheegay inay tuhunsan yihiin inay wax badan qaban karaan.