Abiy Ahmed: 86 qof ayaa ku dhintay Rabshadaha Dalkeena Itoobiya

Ra’iisal Wasaaraha Abiy Ahmed oo ka hadlay xaalada dalka Itoobiya kaddib rahshadiihii ugu danbeeyay ee ka dhacay ayaa sheegay in ay ku dhinteen ilaa 86 ruux.Abiy ayaa arintan ka sheegay shir jaraa’id Axaddii  shay, waxaana 86 -da  qof ee dhintay uu sheegay in ay ka mid ahaayeen  Dumar iyo 10 ka tirsan ciidanka Booliiska

Waxaa uu sidoo kale ra’iisul wasaaraha sheegay in dadkan ay kasoo kala jeedeen qowmiyadaha kala duwan ee wada dego dalkaas.

“Marka aan eegno diimaha ay heystaan dadka ku dhintay rabshadaha, 40 waxay ahaayeen Kiristaan, 34 Muslimiin ahaa iyo 12 oo aan la ogaan diintooda” ayuu yiri Abiy Axmed.

Wuxuu sidoo kale Abiy wacad ku maray in tallaaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono dadkii ka dambeeyay rabshadaha, sida ay ku warrantay warbaahinta Fana.

Itoobiya waxaa dhawaan gilgilay dibadbaxyo ballaaran oo rabshado horseeday kaddib markii Jawaar Maxamed oo ah nin saameyn ku leh dalkaas uu ku dhawaaqay in noloshiisa ay halis ku jirto isla markaasna ku eedeeyay dowladda inay ilaaladiisa kala noqon rabto.