Daacish-ta Soomaaliya oo ku dhawaaqday inay fulinayaan Amarada Al-Qurayshi

War-murtiyeed kasoo baxay Kooxda Daacish faraceeda Soomaaliya ayaa looga hadlay geeridii Hoggaamiyihii Kooxdaas Abuubakar Al-Baqdaadi, kaasoo bishii la soo dhaafay lagu dilay weerar uu Mareykanka ku qaaday goob uu ku sugnaa oo ku taala waqooyiga Suuriya.

War mrutiyeedka ka soo baxay Kooxda Daacish-ta Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay u hoggaansamayaan awaamiirta hoggaamiyaha cusub ee Kooxda Daacish Abu Ibrahim Al-Hashimi Al-Qurayshi

Sawir la soo dhigay barta Internet-ka ee Telegram oo ay ka muuqdeen koox ka tirsan Daacish oo geed-hoostiisa fadhiya oo bayco la galaya Hoggaamiyaha cusub Al-Qurayshi, iyagoo balan-qaaday inay u hoggaansamayaan awaamiirtiisa.

Daacish-ta Soomaaliya oo uu hoggaamiyo wadaadka Duqa ah ee Sheekh C/qaadir Muumin ayaa saldhigooda yahay deegaanada buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland, waxaa weeraro joogta ah ay kala kulmaan Ciidanka Dowladda Puntland oo halkaas howlgallo joogta ah ka waday 10 sanno ee ugu dambeeyay