Dibad-baxayaasha Ciraaq oo weeraray Qunsuliyadda Iran ee Karbala

Tobonaan kamid ah dibad baxyaasha dalka Ciraaq ayaa weeraray Qunsuliyada ay dowladda Iran ku leedahay magaalada ay shiicadu ku xoogan tahay ee Karbala.

Weerarka oo dhacay xalay ayaa dibad baxyaashu waxa ay Qunsuliyada ka dajiyeen calanka Iran iyagoona ku badalay kan dalka Ciraaq.

Ciidamada amaanka ayaa dibad baxyaasha rasaaseeyay si ay u kala ceeriyaan iyagoona dibad baxyaasha dhankooda dhagaxaan ku tuurayay ciidamada sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Wali majiro wax qasaara ah oo laga soo wariyay weerarka ay dibad baxyaashu ku qaadeen Qunsuliyadda ay dowladda Iran ku leedahay magaalada Karbala ee dalka Ciraaq.

Dibad baxyada Ciraaq oo bilawday bishii aynu kasoo gudubnay ayaa dadku waxa ay kaga cabanayaan shaqla’laan baahsan oo dalkaasi ka jirto iyo musuq maasuqa oo sara u kacay.