Sheekh Shaakir: Ma jirto Degaano lagala wareegay Ahlu-sunna

Madaxa Xukuumadda Galmudug , islamaraana ah madaxa ugu sarreeya Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan  ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in ay jiraan deegaanno lagala wareegay.

Sheekh Sheekir ayaa sheegay in Dhuusa-Mareeb iyo guud ahaan deegaannada kale ee gobolka Galguduud ku sugan yihiin ciidamadii isku dhaf ahaan lagu soo heshiiyay, isaga oo intaan ku daray in wax dhici kara aysan aheyn dadkii deegaannadaa xoreeyay haddana la niyeysto sida uu hadalka u dhigay in laga sii xoreeyay iyaga.

“Madaxda dowladda sare iyo annaguba, xiriir baa nooga socda in la dhammeeyo. Annagu haddii aan nahay shacabka mas’uuliyiintii matalaysay ee dowladda soo dhaweysay, ma rabno in hal xabbad ay dhacdo, ma rabno hal qof in uu dhinto, ma rabno hal qof inuu dhaawacmo”.

Si kastaba ha ahaatee, Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii ugu danbeeyay waday dhaqdhaaqyo ciidan oo dhan ah Ahlu-sunna Waljameeca gaar ahan degmooyinka Dhuusa-Mareeb, Guri-ceel iyo degmada Matabaan, waxaana jiray Is-rasaaseyn ka dhacday Degaanada qaar.