Banaan-bax ka socda magaalada Gaalkacyo+Sawirro

Isu soo bax ayaa ka socda magaalada Gaalkacyo, kaasoo madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Puntland looga codsanayo in la sii daayo dhallinyaro ku xiran dalka Cuman.

Dhallinyarada ayaa loo xiray tuhun la xiriira burcad badeenimo, waxaana la soo sheegayaa iney xaalad adag ku haysato xabsiga dalka Cumaan.

5 kamid ah dhallinyarada ku xiran xabsiga Cuman ayaa la soo sheegayaa iney silcin iyo caafimaad darro ay ugu geeryoodeen xabsiga dhexdiisa.