Maadey oo ku dhow in loo doorto Gudoomiyaha ONLF

Maadey waa masuulka ay ubadan tahay in uu noqdo Gudoomiyaha ONLF ee lagu wado in lagu doorto shirka Godey ka socda.

Maadey beel ahaan waxuu kasoo jeedaa beesha reer Cabdille oo lagu tilmaamo beel siyaasiyiinteedu han sare iyo hogaamin qadiyadaha guud ilaaliya ay leeyihiin.

330-ka mid ah ergada shirka Godey fadhida oo ka kooban 500-xubnood,ayaa kalsooni uhaya masuul Maadey.

Cagjar oo taageero ka helaya dhaqaalaha Qadar ee Fahad Yaasiin iyo Xaafiiska Rw ee Abiye,ayaa si xoog badan uwada olale uu ku fashilanayo doorashada Maadey.

Cagjar waxuu khatar u arkaa soo bixida siyaasi beesha Reer Cabdille kasoo jeeda oo kula tartama doorashada Madaxweynaha Kilinka ee soo socota.

Cagjar iyo isbahaysigiisu waxay wataan Nin lagu magacaabi Axmed Yaasiin oo miisaankiisa shaqsiyadeed iyo midka beel ahaaneed ay is leeyihiin waa idinkaga khatar yar yahay Maadey.

Maadey waa masuul umuuqda in uu isku wadi karo Somalida Deegaanka,la xisaabtanka Dowlada Dhexe ee Fadaraalka iyo ilaalinta xiriirka qiyamka ah ee guud ahaan Somalida Bariga Africa ah