Madaxweyne Deni iyo Ina Saalax Deer oo Carmo lagu wada hadalsiinayo

Madaxweyne Deni waxuu usii gudbay Carmo sida warar aanan boqolkiiba boqol xaqiijin karin isoo gaarsiiyeen.

Madaxweynuhu waxuu saakay dhagax dhigay dib u dhisida Wadada Garowe iyo Bosaso oo meelo badan ay Biyihii Roobku ka jareen.

Carmo waxaa soo gaaray Bashiir Cabdullaahi Saalax Deer oo ahaa Ninka saamiga ugu badan kuleh PDG shirkadii u adeegida Ciidamada Badda qanadaraaskeedii haysatay 10-kii sano ee lasoo dhaafay,taasoo laga qaaday si rasmi ah bishan bilowgeedii.

Waxaa jiray xiisad ka dhalatay qandaraas ka qaadista PDG oo ka taagnayd Gobolka Bari,gaar ahaan Bosaso maalmihii lasoo dhaafay.

Tagida Madaxweyne Deni ee Carmo haday xaqiiqowdo waxay ubadan tahay in ay halkaas ku kulmaan Ina Saalax Deer iyo Odoyaasha beesha Cali Saleebaan.

Jibril Qoobey.