Puntland oo ka hadashay dilkii Taliyihii Sirdoonka G. Mudug

Dowladda Puntland ayaa ka hadashay dilkii xalay Magaalada Gaalkacyo loogu geystay Taliyihii Nabad Suggida iyo Sirdoonka Gobalka Mudug ee Puntland Col. Xaashi Aadan Cilmi.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur (Daba-kariix), ayaa sheegay in laba dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bistoolado ay ka dambeeyeen dilka Taliyaha, oo ay Mas’uuliyadiisa Sheegatay Kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale, Guddoomiye Daba-kariix ayaa sheegay in dilka markii ay geysteen Dableydu, ay eryadeen Dhalinyaro labo ah oo la shaqeeya Dowladda Puntland, balse mid kamid ah ay dhaawaceen.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Gobalka Mudug ayaa sheegay in kooxdani ay bambo ku tooreen Xarun u dhow halka uu ku yaallo Guriga Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland.

Ciidanka amniga Puntland ayaa saaka howlgallo ka wada qeybo kamid ah xaafadaha Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, mana jirto war kasoo baxay laamaha ammaanka oo ku aadan cid lagu qabtay Howlgalada ka socda Gaalkacyo.