Qaadka Kenya oo laga helay Bagteeriyo dhimasho sababi karta (Warbixin)

Koox Cilmi baarayaal ah oo u dhashay Dalka Kenya ayaa baaris ku sameeyay Qaadka laga beero dalka Kenya ee loo yaqaan Miiraa,waxaana ay soo heleen in uu leeyahay dhibaato caafimaad oo ka dhalata Bagteeriyo.

Mac-hadka caafimaadka ee Jaamacadda Joma Kenyatta oo sameeyay cilmi baaristan ayaa ogaaday in cunista Qaadka Miiraa laga dhaxlo Bagteero sababta shubanka taas oo ka dhalata nadaafad darrada dadka ka shaqeeya Beeraha Qaadka.

Cilmi baarayaasha waxaa ay soo jeediyeen in Maamulka Gobolka Meru sameeyaan halbeeg nadaafadeed ogolaanaya in dadka ka shaqeeya qaadka ay maraan si looga digtoonaado waxyeellada badan ee ka dhalatay cunista Qaadka taas oo asalkeeda ka timid Jeermis ka dhashay gacmaha dadka gura Qaadka.

Baarayaasha waxaa ay tusaalooyin ka qaadeen Kabarro lagu iibiyo qaadka oo ku yaalla xaafadaha Nairobi sida; Eastleigh, Kawangware, Kibra, Mathare iyo Dandora, waxa ay tijaabiyeen 155 qeyb oo Qaad ah,waxaana ay heleen in 24 ka mid ah ay sumeysanyihiin.

Nooca Jeermisyada laga helay qeybahaas ayaa waxaa lagu sheegay in ay dhaliyaan shubanka iyo cudarrada kale ee faafa.

Waxyaabaha toban ee Qaadka intii ay baarayeen ka heleen waxaa ka mid ah in uu horseedo tabar yarida,murugada, waraabowga,in uu waxyeelo Beerka iyo in madow ka dhigo ilkaha taas oo aan waxba laga qaban karin.

Talooyinka ay soo jeediyeen waxaa ka mid ah in la dejiyo nidaam fayadhowr, in goobaha dadweynaha ku badanyahay aan lagu iibin Qaadka, sidoo kale in laga fogaado goobaha ay ku badanyihiin Musqulaha.

Qaadka laga guro Gobolka Meru ee dalka Kenya waxaa intiisa badan loo soo dhoofiyaa Soomaaliya waxaana maalon kasta in ka badan 15 diyaaradood geeyaan Gobollada dalkeenna.

Isha:Standard