Ahlusuna Oo weli cabanaysa iyo Wasiir Sabriye Oo gaaray Dhuusamareeb

Wasiirka arrimaha gudaha Dowlada Fadaraalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafti uu hoggaaminayo,ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.

Dhuusamreeb,ayaa isku diyaarinaysa dhismaha maamul cusub oo ay Galmudug yeelato bisha soo socota dhexdeeda.

Tagida sabriye ee Dhuusamareeb waxay kusoo aadaysaa,iyadoo Odoyaasha Gobolkaasi ay ugu baaqeen Dowlada Fdaraalka ah in ay fuliso heshiiskii ay la gashay Ahlusuna.

Duqayda dhaqanka,ayaa Dowladda federaalka ugu baaqay inay siiso 35 kursi oo ka mid ah 89-ka xildhibaan ee baarlamaanka Galmudug oo ay sheegeen in horey loogu heshiiyey.

Hadal uu dabayaaqadii bishii October jeediyey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka dawladda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayuu ku xaqiijiyey in Ahlu Sunna lagula heshiiyey in la siiyo 35 xildhibaan.