Qaramada midoobey Oo ku Eedaysay RW Itoobiya in uu faragalin ku hayo siyaasada Somaliya

Dhawr Bilood ka dib markii uu ku guuleystey
Raysal wasaare itoobiya Abaalmarinta Nabada aduunka ee Nobelka,ayay Gudiga Qaramada midoobey uqaabilsan cunaqabataynta soo saareen warbiixn ay ku eedaynayaan in uu khilaafaad siyaasadeed kawado gudaha dalalka Koonfurta Sudan iyo Somaliya.

Khilaafaadkaas siyaasadeed ee dhaliyay gacan ka hadal dhiig badan ku daatay,ayuu RW Abiye sameeyay mudadii uu hayay xilka Gudoomiyaha Urur Goboleedka IGAD.

Gudiga Qaramada Midoobey uqaabilsan cunaqabataynta waxay warbiixntooda ku sheegeen in Urur Goboleedka IGAD uu ku guuldaraystay xal uhelida khilaafaadka ka taagan Koonfurta Sudan iyo Somaliya,waxayna masuuliyada faashilkaas dusha usaareen RW Abiye.

Gudaha Somaliya iyo banaankaba waxaa si isdaba joog ah uga soo baxayay baaqyo loogu digayo RW Abiye in uu joojiyo faragalinta qaawan ee uu ku hayo arimaha gudaha ee siyaasada Somaliya maalmihii udanbeeyay.

Abiye oo taageero umuujinaya Farmaajo,ayaa Ciidamadiisu waxay dada badan ku laayeen Baydhabo,sidoo kale waxay hada gudaha ugaleen Dhuusamareeb oo ay ka taagan tahay khilaaf ku aadan dhismaha maamulka Galmudug.

Warbixintan ay soo saareen gudiga cunaqabataynta ee Qaramada Midoobey waxay waji gabax ku tahay RW Abiye iyo guushiisa Bilada Nabada ee aadka loo tixgaliyo.