Video:-Beesha Cayr Oo ka tanaasushay cabashadoodii Xildhibaanada cusub Ee Galmudug

Xaaladda magaalada Dhuusamareeb,ayaa deggan iyadoo ay socdaan kulamo u dhexeeya dhinacyada siyaasadeed ee dowladda iyo ururka Ahlu-Sunna.

Kulamadan,ayaa waxaa waday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo dhowaan gaaray magaalada, si xal kama dambeys ah ay u gaaraan Dowladda Soomaaliya iyo Ahlu-Sunna.

Warar soo baxaya,ayaa sheegaya in dadaal dheer kadib xal laga gaaray cabashadii ka taagnayd Xildhibaanada Ahlusuna ay soo xulayaan ee 20-ka ah.

Beesha Cayr oo cabashadan waday,ayaa ka tanaasushay 5-Xildhibaan oo ay dood ka qabeen.

Ilaa iyo hada lama xaqiijin karo waxa beesha Cayr ay ku badalatay 5-ta Xildhibaan ee ka mid ka ah 6-Xildhibaan oo ay qoondo ahaan uga heli lahayd 20-ka ay Ahlusunna soo xushay,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaal kooban