Howlgallo ka socda Magaalada Gaalkacyo

Ciidanka amniga Dowladda Puntland ayaa saaka howlgallo culus ka waddo Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, kaddib qarax gaari oo xalay lala beegsaday Taliye ku-xigeenka Ciidanka isku dhafka ah ee “Xasilinta Gobalka Mudug” Gaashaanle, Cabdicasiis Faarax Maxamed “Istakiin”

Qaraxan oo ahaa mid gaarigiisa loogu xiray Gaashaanle Istakiin ayaa ka dhacay xaafadda Siinaay ee waqooyiga Gaalkacyo, waxaa kasoo gaaray dhaawac fudud.

Ciidanka amniga ayaa howlgalkooda ka wadda xaafadaha Magaalada Gaalkacyo, waxaana si gaar ah u bartilmaameedsanayaan goobo gaar ah.

Ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda qaraxan loogu xiray gaarigiisa Taliye ku-xigeenka Ciidanka isku dhafka ah ee “Xasilinta Gobalka Mudug” Gaashaanle, Cabdicasiis Faarax Maxamed “Istakiin”.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay falal ammaan-darro, dadka shacabka ah ayaana ku dhaliilaya Xukuumadda Madaxweyne Deni inay dayacday amniga Gobalka Mudug.