Trump oo hanjabaad kulul u diray Dowladda Ciraaq

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku hanjabay in cunaqabateyn aad u ballaaran uu kusoo rogi doona Dowladda Ciraaq, haddii ay dhaqangeliso qaraar uu meel-mariyay barlamaanka dalkaas.

Donald Trump ayaa sheegay in saldhigga cirka ee uu Mareykanka ku leeyahay Ciraaq ay ku baxday balaayiin doolar, ciidamada Mareykakana aysan ka bixi doonin dalkaas ilaa iyo inta mas’uuliyiinta dalkaas ay ka bixinayaan kharashka Mareykanka uga baxay dhismaha saldhigaas.

Barlamaanka dalka Ciraaq ayaa ansixiyay qorshe dalkaas looga saarayo ciidamada ajnabiga ah ee jooga gudaha wadanka Ciraaq.

Arrintan ayaa lala xirirnayaan dilkii uu Mareykanka gudaha dalka Ciraaq ugu geystay Jeneraal Qasem Suleimani oo madax ka ahaa cutub kamid ah ciidamada ugu awoodda badan Iran, waxaana dilkiisa ay sii hurisay xiisadii awalba u dhaxeysay Iran iyo Mareykanka.

Kulan aan caadi ahayn oo uu barlamaanka dalkaas yeeshay maalin kahor ayaa xildhibanaada barlamaanka waxay dowladda ugu baaqeen in dalkaas ay ka saarto ciidamada ajnabiga ah ee jooga, sidoo kalena ay ka laabato codsi ay xukuumadda horay ugu gudbisay xulafada uu hogaamiyo Mareykanka oo dhigaya in xukuumadda Baqdaad ay ka caawiyaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish.