Iran: Gen. Qasem Suleimani oo maanta lagu aasayo magaalada Kerman

Waxaa maanta lagu wadaa in Koonfurta bari ee dalka Iran lagu aaso Jeneraal Qasem Suleimani oo madax ka ahaa ciidamada Quds ee Iran, kaas oo uu Mareykanka ku dilay duqeyn dhanka cirka ah.

Wakaaladda wararka ee ISNA ee Iran ayaa kusoo warrantay in meydka Jeneraal Qasem Suleimani la geeyay magaalada uu kasoo jeedo ee Kerman, halkaasi na lagu aasi doono maanta oo talaada ah.

Aaska Jeneraalkan ayaa lagu wadaa in ay kasoo qeybgalaan dad aad u tira badan oo uu kamid yahay hogaamiyaha ruuxiga ee Iran, Ayatullahi Cali Khumanein, Madaxaweynaha Iran, Xassan Ruxaani iyo mas’uuliyiin kale.

Waxaa sidoo kale maanta ku eg saddexdii cisho ee baroordiiqda ahayd ee loo sameynayay Qasem iyo dadkii kale ee lala dilay.

Inkastoo aan la ogeyn tallaabada xigta ee ay Iran qaadi doonto, si ay Jeneraalka ugu aarguddo ayaa haddana maalin kahor, waxaa lataliyha arrimaha milateriga ee hogaamiyaha ruuxiga ee Iran uu sheegay in tallaabada xigta ee laga fili karo Iran ay tahay in ay si toos u bartilmaameedsato “xarun milateri oo uu Mareykanka leeyahay”.