Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo MSF oo Heshiis kala saxiiday+VIDEO

Wasaaradda Caafimaadka Dawlada Puntland iyo Hay’adda dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa maanta kala saxiixday heshiis Saddex sano ah, kaas oo ay Hay’addu ku sii caawinayso Isbitaalka Guud ee Gobalka Mudug.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Farax Xassan iyo Madaxa MSF ee Soomaaliya Gautam chatterjee, ayaa heshiiska ku kala saxiixday Magaalada Garoowe, kaddib shir labo maalmood ah oo wasaaradda ay uga socday madaxda wasaaradda iyo madaxda hay’adda MSF.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Dr Jamac Farax Xasan oo ka hadlay heshiiskan ayaa u mahadceliyay Hay’adda MSF iyo la shaqaynta ay la lee dahay Wasaaradda, waxaa sidoo kale oo uu soo dhaweeyay heshiiska cusub ee saddexda sano ah.

Madaxa Hay’adda MSF Soomaliya Gautam chatterjee ayaa soo dhaweeyay wada shaqaynta ka dhaxaysa MSF iyo wasaaradda xusayna inuu ku faraxsanyahay cusboonaysiinta cusub oo ay ku sii wada shaqaynayaan.

Hay’adda MSF ayaa saddexdii sanno ee la soo dhaafay ka howlgalaysay Isbitaalka weyn ee Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, waxaana laga dareemay isbedel wayn.