Socdaalka Farmaajo Ee Eretereya muxuu daaran yahay?

Farmaajo waxuu usocdaalayaa Asmara si uu Asiyaas uga soo qanciyo xogtii fashilantay ee Fahad Yaasiin.

Warar lagu kalsoonaan karo waxay sheegeen in warbixintii ay todobaadkii hore soo saartay NISA ee ay ku eedaysay in uu ka danbeeyay dal shisheeye qaraxii Ex-Control Afgooye uu dalkaasi ahaa Eretereya.

Warku waxuu intaa ku darayaa sababta Fahad eedaynta qaraxaas dusha uga saaray Eretereya ay ahayd xiriirka Qatar iyo Eretereya oo maraya heerkii ugu xumaa abid,isla markaana Eretereya ay xiriir dhow la yeelatay dalka Imaaraadka Carabta.

Fahad waa madaxa NISA,sidoo kalena waxuu si toos ah ugu xiran yahay sirdoonka Dowlada Qatar.

Asiyaas Madaxweynaha Eretereya oo xogta warbixintaas ay gaartay,ayaa ka booday,isagoo rw Itoobiya caro kala dul dhacay kuna hanjabay in uu ka baxayo heshiiskii iskaashiga Gobolka.