Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiye xigeenka Haylaan

Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Haylaan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.07 January 8, 2020 ku magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Haylaan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dardargelinta howlaha shaqo ee Gobolka Haylaan.

Markuu arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo waaya-aragnimadiisa Shaqo.

Markuu Tixgeliyey: Talo soojeedinta Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Cabdisalaan Maxamed Muuse loo magacaabay Guddomiye ku-xigeenka Gobolka Haylaan.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

=DHAMMAAD=

==XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND==.