Dibad-baxyo waa weyn oo ka bilowday Iran

Boqolaal ruux ayaa iskusoo baxay wadooyinka waa wayn ee caasimada dalka Iran kuwaas oo dalbanaya in uu iscasilo hogaamiyaha dalkaasi Ayatullah Cali Khamanii.

Dibad baxyaasha ayaa ka careesan diyaaradii dhawaan ay soo riday dowladda Iran taas oo ay Iran ku sheegtay in ay usoo dhacday si kam ah.

Dibad baxyada ayaa ka dhacay afaafka hore ee labo jaamacadood oo ku yaalo caasimada Tehran.

Safiirka u fadhiyo dowladda UK magaalada Tehran ayaa dibad-baxyada lagu xiray kadib markii uu ka qayb qaatay inkastoo markii dambe lasii daayay.

Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twiterka dibad baxyaasha ku dhiira galiyay in ay sii wadaan dibad baxyada ay kaga soo horjeedaan xukunka Iran.