Ku dhowaad 10 Ruux oo ku geeryooday duwan ku dhufatay Mareykanka.

Ugu yaraan sideed ruux ayaa dhimatay kadib markii duufaan xoogan ay ku dhufatay qaybo kamid ah koonfurta dalka Mareykanka.

Duufaanta oo wadata roob iyo dabeelo xoogan ayaa sigaar ah ugu dhufatay gobolada Alabama, Louisiana iyo Texas.

Waxaana jirta in tirada dadka ku dhintay duufaanta in ay sii kordhayaan xilli boqolaal kun oo ruuxna ay wajahayaan guri la’aan iyo koronto la’aan.

Daadadka ayaa sidoo kale bur bur xoogan u gaystay wadooyinka waa wayn ee magaalooyinkaasi.