Wafdi ka socda WHO iyo Madaxda Wasaaradda Caafimaadka XFS oo kulan leh (Sawirro)

Madaxda ugu sareysa Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Soomaaliya oo ay hogaaminayso Wasiir Fawziya Abiikar Nuur ayaa maanta Muqdisho kusoo dhoweeyay Wafdi ballaaran oo kasocda Xafiiska ugu sareeya Hay’adda Caafimaadka Adduunka (World Health Organization- WHO).

Xubnaha Wafdiga iyo Madaxda Sare ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa haatan u socdo kulan xasasi ah oo ay uga hadlayaan Arrimo dhowr ah oo ku saabsan dhinaca Caafimaadka,sida lagu sheegay War kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

“Mar dhow waxaan idiin lasoo wadaagi doonna war-saxaafadeed si faahfaahsan uga warbixin doona ujeedada wafdiga iyo hawlaha aan wada qaban doono maalmaha soo socda ayaa lagu yiri”Warka Wasaaradda.