Al-Shabaab oo dib ula wareegtay Degaanka Tooratoorow

Wararka ka naga soo gaaraya deegaanka Tooratoorow ee Gobalka Shabeelaha Hoose, ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay dib u qabsadeen deegaankaasi, kaas oo shalay ay qabsadeen Ciidanka Dowladda

Dadka degaanka ayaa sheegay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay gudaha u galeen Tooratoorow, kaddib markii ay isaga baxeen Ciidanka sida gaar ah u tababaran ee Dowladda (DANAB), kuwaas oo shalay si buuxda degaankaas ula wareegay..

Deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeellada Hoose,halkaasi oo saldhig wyen uu u ahaa Al-Shabaab, iyadoona cabsi ay xiligan soo wajahday dadka deegaanka, maadam ay weeraro ku bilaabeen Ciidanka Dowladda, oo marka ay qabsadaan isaga baxaya.