duqeymo culus oo ka dhacay Gobalada Jubbooyinka

Duqeymo culus ayaa xalay ka dhacay Degaano katirsan Gobalada  gobolada Jubada Dhexe iyo Jubada Hoose, kuwaas oo lala beegsaday saldhigyo ay lee yihiin maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab.

Duqmahan ayaa si gaar ah uga dhacay Degmooyinka Jamaame, Salagle, Jilib iyo deegaanka Xaramka, waxaana la sheegay in lagu dilay maleeshiyaad iyo saraakiil ka tirsan kooxda Al-Shabaab, diyaaradaha dagaalka ayaana duqeynta kahor nalal weyn ku ifiyay degaanada qaarkooda, sida ay sheegeen dadka degaanka.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in duqeymaha lagu burburiyay saldhigyo Al-Shabaab ay ku leeyihiin gobolada Jubbooyinka.

Saraakiil katirsan Ciidanka Xogga Dalka ayaa sheegay in ayaa sheegay in xalay iyaga iyo saaxiibo caalami ah ay duqeyn ka fuliyeen goobo muhiim ah oo ka tirsan Jubbooyinka, islamarkaana ay khasaaro culus gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Sidoo kale, Saraakiisha Cidanka Dowladda ayaa sheegay in duqeymahaas lagu dilay saraakiil sare oo katirsan Ururka Al-Shabaab, ayna kamid yihiin Macalin Arbow iyo Sarkaal magaciisa lagu soo koobay Axmed.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa todobaadkii aynu soo dhaafnay dhowr jeer oo is xig xiga waxaa ay duqeeymo ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka.