Shir lagu sameynayo sharciga korontada Soomaaliya oo ka socda Muqdisho+VIDEO

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Fowsiya Maxamed Sheekh, ayaa Shir guddoomisay shirka qeybinta Qabyo qoraalka koowaad sharciga korontada Dalka oo lagula wadaagay Shirkadaha korontada gaarka loo leeyahay ee bixiya adeega korontada Dalka.

Shirkan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb-galay dhamaan shirkadaha korontada ee Gobalada Soomaaliya, waxaana Puntland ku matalayay shirkadahan shirkadaha waa weyn ee korontada, ayna kamid yihiin NECSOM, EENE iyo NEPCO.

Ex- Xildhibaan Cabdikariim Xuseen Guure, oo hoggaaminayay Shirkadaha korontada Puntland ee ka qeyb-galay shirkan ayaa madasha ka jeediyay warbixin ku aadan Habka ay u shaqeeyaan iyo macaamiisha ay daboolaan baahidooda koronto.

Shirkadaha korontada ee ka howlgalla Puntland, ayaa lagu ammaanay habkooda shaqo, waxaana Masuuliyiintii ka qeyb-galay shirka ay sheegeen in Shirkadaha ka howlgalla Puntland ay nidaam ahaan iyo qalabba uga hor-marsan yihiin kuwa kale ee ka howlgalla Soomaaliya inteeda kale.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta Fowsiya Maxamed Sheekh, ayaa sheegtay in sharcigan oo ay diyaariyeen khuburo iyo qareeno Soomaali ah, ay muhiimad ku siiyeen shirkadaha gaarka loo lee yahay, waxaana ay xustay in Wasaaradda iyo shirkadaha gaarka loo lee yahay ay ka dhexeyso wada-shaqeyn buuxda.