Goormee lasoo gaba-gabeynayaa diiwaan-gelinta musharixiinta GBMG ?

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Guddoonka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug, oo saxaafadda kula hadlay magaalada Dhuusa-mareeb ayaa shaaciyay waqtiga kama dambeesta ah ee qabashada waraaqaha Musharrixiinta Guddoonka Barlamaanka Galmudug, isagoona xusay in illaa hada ay diiwaan-geliyeen 7 Musharax oo u taagan xilka guddoomiyaha iyo labadiisa ku-xigeen.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in xubnaha isa-soo shaaraxey ee ay diiwan-geliyeen ay kala yihiin Saddex Xubnood oo u taagan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, laba u sharaxan guddoomiye ku-xigeenka 1-aad iyo laba u taagan guddoomiye ku-xigeenka labaad.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Guddiga doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in ugu dambeyn waqtiga ay ku eg-tahay diiwan gelinta musharixiinta u taagan qabashada xilka guddoonka Baarlamaanka Galmudug uu yahay 12:30 ee Caawa.