Ku dhowaad 20 Ruux oo ku geeryootay duqeyn ka dhacday Syria

Ugu yaraan 18 ruux oo shacab ah ayaa dhimatay kadib markii laduqeeyay suuq iyo aag warshadeed oo ku yaalo gobolka Idlib ee dalka Suuriya gaar ahaan qaybta ay haystaan kooxaha falaagada.

Kooxaha indha indheeya xaalada Suuriya ayaa sheegaya in weerarka ay si wada jir ah u fuliyeen diyaaradaha dagaalka Ruushka iyo kuwa Suuriya.

Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo ay bur burtay xabad joojin ay horaantii bishan ku dhawaaqeen dowladaha Ruushka iyo Turkiga.

Magaalada Idlib ayaa caasimad u ah gobolka waqooyi galbeed ee dalka Suuriya oo isla magacan loo yaqaano, waana goobta ay ugu xoogan yihiin falaagooyinka ku kacsan dowladda madaxwayne Bishaar al-Asad.

Wali dolwdaha Ruushka iyo Suuriya midna ma’uusan ka hadlin weerarkan ugu danbeeyay oo ay dadka badan oo shacabka ah ku wax yeeloobeen.