Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada Puntland ee maanta ? (VIDEO)

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Shir Guddoomiyey Shirka Golaha Xukuumadda, kaasoo looga hadlay arrimo muhiim ah.

Shirka Golaha Wasiirada Puntland ayaa intii uu socday diirada lagu saaray Arrimaha Amniga, La-dagaalanka Ayaxa,Daah-furka ururka xirfadlayaasha caafimaadka, Xuska halgankii daraawiishta iyo soo bandhigidda Istaraatiijiyadda wacyi-gelinta iyo arimo kale, sida uu sheegay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska dowladda Puntland Cali Xassan Axmed Sabareey oo markii uu soo dhamaaday kulanku la hadlay Saxaafadda.