Cudur dad badan ay ku dhinteen oo ka dilaacay Shiinaha

Feeras cusub oo ka dilaacay gudaha dalka Shiinaha ayaa la shegay in ay ku saamoobeen boqolaal ruux sida masuuliyiinta dalkaasi ay u sheegeen warbaahinta.

Iilaa 41 sheebaar oo la marsiiyay Feeraskan ayaa lagu xaqiijiyay in uu yahay mid cusub. Iyadoona illaa iyo haatan sheegay in ay u dhinteen labo ruux.

Feeraskan ayaa ka dilaacay magaalada Wuuhaan ee dalka Shiinaha halkaas oo lasheegay in ay ku suganyihiin boqolaal ruux oo cudurkani qaba.

Garoonka caalamiga ah ee magaaladan ayaa waxaa adeegsada dad gaaraya 19 milyan oo ruux balse 3,400 oo ruux ayaa maalintii ka sameeya safaro caalami ah.

Qaar kamid ah kiisaska Feeraskan ayaa lasheegay In lagu arkay dalalka dariska la’ah Shiinaha sida Japan iyo Hong Kong oo laga helay labo ruux oo qaba Feeraskan.