Madaxweyne Deni oo soo gaba-gabeeyay murankii ka taagnaa Shirkadda PDG (XOG)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa si xirfadeysan u soo gaba-gabeeyay muran bilihii ugu dameeyay ka taagnaa Mashruuca “Logistics” ee Ciidanka Badda Puntland, sida ay shabakadda Idil News u xaqiijiyeen xubno ku dhow xafiiska Madaxweynaha.

Madaxweyne Deni ayaa qandaraaska ku wareejiyay ganacsato cusub oo kasoo jeeda beesha Cali Saleebaan, oo ah beesha horey mashruucan u hoggaaminaysa, waxaana meesha laga saaray koox ganacsato oo uu hoggaaminayay “Saalax Deer” oo ahaa saamilaha ugu weynaa shirkadda PDG ee qandaraaskan horey u heysatay.

Mashuuracan oo bishii ay ku baxdo 1 Milyan oo dollar, ayna bixiso Dowladda Imaaraadka carabta, oo taageerta Ciidanka PMPF Puntland, ayaa waxaa lagu wareejiyay Jifida Cawyahan-Cali saleebaan, halka ay horey u heysteen ganacsato kasoo jeeday jifida Bicidyahan-Cali saleebaan.

Sidoo kale, Waxaa mashruucan ku biiray Madaxweynaha Puntland, oo uu ku matalayo walaalkiis Xassan Deni, waxaana tani ay u muuqataa in Madaxweyne Deni uu si khibradaysan oo xaliyay doodii ka taagneyd mashruuca PDG.

Waxgaradka Gobalka Bari ayaa horey uga hor-yimid in Mashruuca PDG laga wareejiyo Beesha Cali Saleebaan, maadama uu yahay il dhaqaale oo fadhida, sidoo kalena uu yahay Mashruuca kaliya ee bashaas horey Puntland u keentay.