Mashruuca Horumarinta magaalooyinka iyo ogaalka RW Khayre ? W/Q: Abdiaziz Golfyare

Taxanaha Mashruuca Horumarinta magaalooyinka iyo xilliga uu soo bilowday, Ra’iisul Wasaaraha ma ogaal la’aan ayuu ka ahaa heerarka uu soo maray ?

Mashruuca Horumarinta magaalooyinka waxa uu soo bilowday 2015 (Somali Urban Investments Planning Project- SUIPP) waxaana markaas laga bilaabay magaalada Muqdisho.

Mashruucan waxaa si rasmi ah loo saxiixay heshiiski ugu horeeyay oo ahaa February 2016, xilligaas lacagta Muqdisho loogu tala galay waxay aheyd 800,000$ halka Garowe 600,000$ lacag ku dhaw, waxaana loogu tala galay in magaalo kasta Muqdisho iyo Garowe in loo dhiso koox Khubaro ah oo fuliso Mashruucyada World Bank iyo magaalada laga tala galiyo waxa mustaqbalka loo qabanayo ( Feasibilty Study), Muqdisho waxa ay dooratay waddooyinka xaafadaha ( Interlocking) iyo waddo laami ah iyo sidoo kale biya mareenada magaalada oo dib loo dayactiro.

Halka Garowe dooratay jidad laga dhiso Waddooyinka, wajiga labaad ee dhaqan galinta heshiiska ayaa la saxiixay 2018 Mashruuca (Somali Urban Resilience Project- SURP) kaasoo ku baxayay lacag gaareysa $10 Million, waxaana xilligaas fursad loo helay in lagu daro Kismaayo iyo Baydhabo oo iyagana maray heerkii Muqdisho iyo Garowe soo mareen bilowgii hore ee mashruucan, waxaana Kismaayo iyo Baydhabo loo sameeyay Koox Khubaro ah oo hirgelinaya Mashruuca iyo daraasad lagu sameynayo jidadka qaar ee Baydhabo iyo Kismaayo, sababta labadan magaalo loo daneenayay ayaa ah maadaama dowladda Kenya ku dhawaaqday xilligaas in Xerada Dhadhaab la xerayo oo ay labadan magaalo la filayo in ay soo gaaraan qaxooti fara badan.

Wajiga maanta la saxiiixay SURP 2 waxa ku jiro dhammaan magaalo madaxda Maaamul Goboleedyada iyo Muqdisho, halka Hirshabeelle iyo Galmudug loo sameynayo wajigan Khubaro hirgeliso mashruuca World Bank iyo daraasad la xiriirto waxa ay labadan magaalo u baahan yihiin.
Sidoo kale Mashruuca maanta la saxiixay waxaa ka mid ah lacag 30 million ka badan oo aan la qorsheyn oo loogu talagalay magaaladi dhaqsi buuxiso shuruudaha la siinayo, waxaa sido kale wajigan (SURP 2) ka mid ah in Wasaarada Howlaha Guud loo sameeyo Khubaro kormeerto mashruucyada magaalooyinka ka wada socdo si gaar ah waxaa ay masuul ka tahay in ay labada maamul ( Hirshabeelle iyo Galmudug) kala shaqeyso sidi ay u soo gaari laheyd magaalooyinka kale.

Haddaba waxaa is weydiin mudan Mashruuca horumarinta Magaalooyinka dalka ee soo maray heerarkaas, qeybna ka ah Barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya mala hakin karaa ? sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ma ogaal la’aan ayuu ku ahaa Mashruuc SURP 2 qeybtiisa labaad ee la saxiixay sanadkii 2018

W/Q: Abdiaziz Golfyare,