Shirka dib-u-eegista Waxbarashada Puntland oo maanta furmaya

Waxaa ka furmaya maanta Magaalada Garoowe Caasimadda Dowladda Puntland shirka dib u eegista Waxbarashada Puntland, kaas oo sanadkiiba mar la qabto.

Shirkan oo sida qorshuhu yahay uu furayo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), ayaa waxaa ka qeyb-galaya Wasiirada Waxbarashada Maamulada Galmudug iyo Hirshabelle, Madaxa Hay’adda Global Education Partnership Mr. Morten Sigragade, Madaxa arrimaha Waxbarashada Midawga Yurub ee Soomaaliya, Hay’adda UNICEF, Care International iyo Hay’addo kale.

Shirkan ayaa inta uu socdo waxaa looga hadli doonaa Hanaanka Waxbarasho ee Puntland, waxa ka qabsoomay sanadkii tagay, Caqabaha jira iyo qorshaha sanadka cusub.

Madaxweyne ku-xigeenka  Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo isniintii la kulmay Madaxda qaar kamid  ah Hay’adaha la qeyb-galaya, ayaa sheegay in Hay’adaha kulanka ka qeyb-galaya ay Puntland ka caawin doonaan dhinaca horumarinta waxbarashada Puntland.