Madaxweyne Deni oo la kulmaya Soomaalida kunool Kenya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa lagu wadaa inuu kulan kula yeesho Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya Masuuliyiin katirsan Dowladda Kenya, Ganacsato Soomaali iyo Kenyaan ah iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed eek u dhaqan Nairobi.

Madaxweyne Deni oo Arbacadii gaaray magaalada Nairobi, si weyna looga soo dhaweeyay, ayaa sheegay in maalmahan uu ku sugnaan doono Nairobi, uuna la kulmayo Bulshada, kuwaas oo uu kala hadlayo xaalada dalka, warbixina uu ka siin doono.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale Ganacsatada Soomaalida iyo Kenyaanka ah ee uu kula kulmayo Nairobi, uu soo bandhigi doono fursadaha maal-gashi eek a jira degaanada Puntland iyo in Puntland ay u diyaarisay shuruucda iyo fursadihii u fududeyn lahaa maal-gashiga.