ONLF oo ku biirtay Isbahaysi Mucaarad oo Itoobiya laga Aas-aasay (Sawirro)

Gudoomiyaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ONLF, Dr. Cabdiraxmaan Sh Mahdi Maadey ayaa qalinka ku duugay kamid noqoshada isbahaysiga wayn ee la magac baxay Isbahaysiga Fadaraalka iyo Dimuqraadiyada (Alliance for Democractic Federalism – ADF) ee dhawaan dalkaas Itoobiya laga aasaasay.

Heshiiska aasaaska isbahaysigan ayaa manta oo Khamiis ah lagu sixiixay magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya.

Isbahaysigan oo ah kii ugu horeeyay ee abid ka hirgala wadanka Itoobiya waxaa ku bahoobay ururo badan oo aaminsan nidaamka federaalka, xurriyada, sinnaanta, cadaalada iyo dimuqraadiyada.

Ururadan isbahaystay oo dhamaantood aaminsan aayo ka tashiga dadkooda waxaa kamid ah isbahaysigii PAFD kaas oo ay kamid ahaayeen dhowr urur oo ONLF kamid tahay.

Gudoomiyaha Arrimaha Siyaasada iyo Xidhiidhka Heer Fadaraal ee ONLF mudane Xassan Muxumed Aw Macalim iyo hogaanka daryeelka iyo naafada ururkan marwo Khaalisa Ugaas Mahad oo qorshaha soo dhiraandhiriyay iyo madax kale oo ka tirsan Jabhada ONLF ayaa goob joog ka ahaa sixiixitaanka waraaqda kamid noqoshada isbahaysigan.

Isbahaysigan Alliance for Democractic Federalism (ADF) ayaa noqonaya midka ugu balaadhan ee shacabku ay kumidaysan yihiin isla markaana u taagan xoraynta shucuubtooda si nabdoon, wuxuuna noqon doonaa midka u wayn ee qorshihiisu uu yahay in Itoobiya ay ku sii jirto nidaamka fedaraalka ah oo ay sheegeen in uu yahay wadada kaliya ee ay ku midoobi karaan shucuubta iyo qawmiyadaha kala duwan ee dalkaa ku nool.