Ra’iisulwasaare Kheyre oo Dowladda Turkiga uga tacsiyeeyay dadka ku dhintay dhul-gariirka.

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xasan Cali Kheyyre  ayaa dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga uga tacsiyadeeyay dhibaatadii ka dhalatay dhul gariirkii ka dhacay gobalka Elazig ee Bariga Turkiga.

Mudane Xasan Cali Kheye oo khadka Taleefoonka kula xiriiray madaxweyne ku-xigeenka Turkiga, Fuat Oktay , ayaa u muujiyay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga tiiraayoonayaan dhibaatadii ka dhalatay dhul Gariirka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyay dadka waxyeeladdu kasoo gaatay dhul gariirka in si dhaqsa leh ay ku bogsadaan.