Abiy: Waxaan asmara kula kulmayaa Farmaajo & Isaias Afwerki

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa shaaciyay in dhawaan ay kulan yeelan doonaan Madaxda Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea kulankaasi oo ka dhici doona Magaalada Asmara.

Waxaa uu sheegay in kulankaasi  ka dhici doona magaalada Asmara looga wada hadli doonaan arrimo badan.

Saddex waddan ayaa yeelanayay kulamo kala duwan Sanadyadii ugu dambeeyay tan iyo markii Itoobiya iyo Eritrea uu heshiis dhexmaray.

“Waxaan la kulmi doonaa walaalahay, hogaamiyaasha Ereteriya iyo Soomaaliya. Madaxweyne Isaias Afwerki, Madaxweyne Maxamed C / llaahi iyo anigu waxaan ka wada hadli doonaa arrimo badan. Sida had iyo jeerba, waxaan hubaa in magaaladeyda qaaliga ah ee soo dhaweynta ah ee Asmara ay joogitaankeena farxad ka yeeli doonto.”ayuu yiri Abiy Axmed.

Horaantii bishan ayuu Madaxweyne Farmaajo booqday caasimada Eritrea ee Casmara iyadoo hore uu illaa afar jeer u booqday dalka Eritrea.