Jubbaland oo Xukun dil ah ku fulisey Askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda

Maxkamadda Ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Maanta oo Axad ah waxaa ay xukun dil toogasho ah ku fulisey Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda,kaas oo la sheegay in uu horey u diley askari kale.

Askariga xukunka dilka ah lagu fuliyey ayaa waxaa lagu magacaabi jirey Bakar Xassan,waxaana uu horey u diley askari ka tirsan Ciidanka jubbaland oo lagu Magacaabi jirey Siyaad Maxamed Xassan.

Xeer ilaaliyaha Ciidanka jubbaland Gashaanle Dhexe Maxamed Axmed Yaasin ayaa sheegay in askariga manta la toogtey uu 27-kii Bishii November ee sanadkii tegay ee 2019 xilli habeen uu askariga ku diley Bartamaha magaalada kismaayo.

Waxaa uu hadalkiisa inatasi ku darey in Xukunkaan dilka toogashada ah ee la uliyey uu soo marey baaritaan dheer ka dib iyo fadhiyo kala duwan oo marqaatiyo watay oo ay maxkamada samaysay ,isla markaana Maanta xukunka dilka ah la fuliyey.