Kenya: Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay shil gaari

Shilkaan gaari ayaa waxaa uu ka dhacay wadada u dhaxeysa Magaalooyinka Caasimadda kenya ee Nairobi iyo Mombasa, waxaana shilkaasi uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Shilka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo nooca Xamuulka qaado ah, xili ay marayeen goobta loo yaqaano Kiongwani, waxaana ka kacay dab sababey dhimashada hal Ruux iyo dhaawac 5 kale.

Qof goobjooge ahaa ayaa Warbaahinta u sheegay in labada gaari ay so xowli ah ku socdeen,isla markaana isu dhacooda uu sabab u ahaa wadada qeybo kamid ah oo burbursan.

Ciidamo ka tirsan booliska Kenya ayaa tegay Goobta uu shilka ka dhacay,iyaga oo dhaawaca 5 Ruux geeyey isbitaalka weyn ee ismaamulka Machakos.