Bari: Daacish oo dhaq-dhaqaaqyo cusub ka bilowday Buuraleyda Qandala

Wararka naga soo gaaraya Degmada Qandala ee Gobalka Bari ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Ururka Daacish, ay dhaq-dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen Buuraleyda ku dhow dhow degmadaas.

Malayshiyaad ka tirsan Kooxda Daacish oo aad u hubaysan ayaa Axadii lagu arkay degaano 18-KM u jira degmada Qandala ee gobolka Bari, kuwaasi oo ka soo degtay dhulka buuraleyda ah, sida ay kusoo waramayaan Dadka degaanka.

Dhaqdhaqaaqyada cusub ee Daacish bilowday, ayaa ku soo beegmaya, xilli wefdi ka tirsan Dowladda Puntland uu ku sugan yahay degmada Qandala, islamarkaana ay halkaasi ka daah-fureen mashruuc Layrarka Cadceeda ku shaqeeya iyo Guriga Fareenka oo ay hirgelisay hay’adda TIS+/USAID.

Kooxda Daacish ayaa horay u qabsatay degmada Qandala 26-kii October 2016, balse ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa Daacish dib ugala wareegay degmadaasi Qandala 7-dii December 2016.