Sanaag: Xiisad dagaal oo ka taagan Degaanka Shidan

Wararka ka imaanaya degaanka Shidan oo ka tirsan gobolka Sanaag, ayaa sheegaya in halkaasi ay maanta madaafiic ay kusoo garaaceen malayshiya-beeleed.

Madaafiicdan oo gaareysay sagaal, ayaa waxaa kusoo tuuray degaanka Shidan, maleeshiyaad kasoo jeeda Beesha Isaaq, mana jirto wax khasaare ah oo ka dhashay madaafiicdan.

Degaanka Shidan oo ka tirsan Degmada Laas-qoray ee gobolka Sanaag, ayaa waxaa ka taagan xiisad u dhexeysa Labo Maleeshiyo beeleed, taas oo salka ku heysa “Macdan qodis”, waxaana degaankan marar badan ka dhacay dagaal beeleed.

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaankaas ka imaanaya ayaana sheegaya inay haatan degaankan ka jirto Xiisad dagaal.