Jubbaland oo war kasoo saartay baxsashada Wasiirkooda amniga (Akhriso)

Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa War-saxaafadeed uu soo saaray uga hadlay baxsashada Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan, oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya sheegtay inuu ka baxsaday xabsigii ay ku heysay ee Muqdisho, iyadoona sheegtay inay ka walaacsan tahay xaaladiisa.

Jubaland ayaa dowlada Federaalka ka dalbatay inay si deg deg ah meel ugu sheegaan Wasiirkii Amniga Jubaland oo aan raq iyo ruux la hayn 5bilood oo uu xamar ku xirnaa.

Sidoo kale, Jubbaland ayaa sheegtay inay qaadi doonto Dowladda Federaalka Mas’uuliyadda wixii soo gaara Wasiir Janan.