LIVE U Daawo: Dhageysiga Khudbadaha Musharixiinta Doorashada Galmudug & walaaca Beesha Caalamka

Dhagaysiga khudbadaha qar kamid ah Musharaxiinta Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku-xigeenkiisa Doorashada Galmudug ayaa goor-dhaw ka bilaabanaysa Xarunta Shiirkole ee uu ku shaqeeyo Baarlamaanka Galmudug.

Musharixiinta khudbadaha jeedinaya marka laga tago waxaa jiro Musharixinta ugu tunka ama awooda badan ee doorashada Galmudug oo diiday ama qaadacay iney is diiwaan galiyaan, maadama mad madow badan ay ka qabaan Hanaanka Doorasho.

Afar ilaa Shan kamid ah Musharixiinta ugu taageerada ama awooda badnaa Doorashada Galmudug ayaan ka qey galeynin Is diiwaan galinta Musharixiinta.

Dhanka kale, Beesha Caalamka ayaa sidoo kale walaac ka muujisay kala aragti duwanaashaha Madaxya weynta isku heysa Doorashada Galmududug, iyagoona ku baaqay in la isku yimaado.