Xildhibaan Jindi “Dawladdu iyadaa sii deysay Wasiir C/rashiid Janan”

Xildhibaan C/risaaq Axmed Maxamed Jindi oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay Dowladda iney sii deysay Wasiir Janaan, maadaama aysan jirin cid qaadaneysa ama yeeleysa inuu iska baxsado Maxbuus Dowladda dhaxe u xiran.

Wuxuu sheegay Warka dowladda kasoo baxay ee ah waan baareynaa iney dowladd nimada kamid tahay, mar hadii dambi lagu waayay Wasiir Janan.

“Waan baareynaaa, wuu baxsaday waa Jahwareerin iyo in ma waayay waxa loo sheego bulshada, maadaama qofkii aad soo xirtay si sharci aadan u marin soo xabsi galintiisa” ayuu yiri Xildhibaanka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Xabsiga dhigtay 31, Agusta, 2019, Wasiir Janaan oo Saarnaa diyaarad ka timid Kismaayo oo kusii jeeday Caasimada Dolwadda Itoopiya.