Sidee Puntland u aragtaa Goonni-isu-taagga Somaliland ? (VIDEO)

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed C/rixmaan Dhabancad, ayaa ka hadlay gooni isku taaga Maamulka Somaliland uu sheegato, isagoona dhaliilay sida ay uga hadlaan Madaxda iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

“Maaha dadka Soomaaliyeed in lagu wareeriyo in Somaliland tahay wax gaara , hadday taa noqoto oo la dhoho Somaliland waxaa gumaysan jiray Ingiriis, koonfurna Talyaani, dee dhulkan Puntlandna waxaa ka jiray boqortooyooyin heshiisyo gala, markaa iyaguna gaar bay u istaagayaan” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Maxamed Dhabancad.